Falanqeyn 

Arrimo mudnaan u leh dowladnimada Soomaaliya

Waxaan ka hadleynaa arrimaha muhiimka ah ee laga mashquulay, kuwaasoo mudan in isha lagu hayo, lagula xisaabtamo xukuumadda, laguna qiimeeyo waxqabadkooda.

  1. Waxaa mudan in lagu mashquulo kartida, aqoonta iyo waayo-aragnimada madaxda (wasiirrada). Arrimahaas ayaa ugu dambeynta micne sameynaya. Wasiirka xilka qabtay la isma weydiiyo muxuu ka tagay oo dhaxal ah, sida nidaam maamul iyo sharci, hay’ado uu dhiso, dhisme lagu shaqeeyo, mashaariic, iwm.
  2. Sidee loo heli karaa xasillooni siyaasadeed? Laga soo billaabo ilaa 2000, waxaa dalka soo martay 11 ra’iisul wasaare, xukuumad kastana waxay la imaanaysay wasiirro ugu yaraan ku cusub wasaaradda. Mararka qaarkood waxaa dhacda in hal ra’iisul wasaare uu 3 wasiir u magacaabo hal wasaarad (sidii Cumar Cabdirashiid uu 2009/2010 warfaafinta ugu magacaabay 3 wasiir), ama 2 wasiir (siduu isla Cumar Cabdirashiid 2015/16 ugu sameeyay dhowr wasaaradood).

Xasillooni-darrada waxay sii badneyd siddeedii sano ee u dambeysay oo wasaaradaha qaarkood ay soo mareen 8 wasiir, una dhiganta sanadkiiba hal wasiir. Meeshaas waxaa ka cad in hal sano aanan nidaam dhidibbada loogu aasi karin, iyadoo sanadkiina ay ka go’eyso bilooyin lagu jiro qalalaase siyaasadeed. Iska daa wasiirradee, 4 taliye nabad-sugid ayaa dalka soo martay 4tii sano ee u dambeysay.

  1. Dastuurka Soomaaliya ee noqday mid aan dhammaan sidee lagu soo afmeeri karaa? Maalgelintiisa ma la wareegi kartaa dowladda si meesha looga saaro hay’adaha doonaya inay shaqo ka dhigtaan? Sidoo kale in la dhiso maxkamaddii dastuuriga iyo guddiga adeegga caddaaladda oo aasaas loogu dhigo, waayo khilaafaadka siyaasadeed iyo ammaankaba waxaa saameyn weyn ku leh sharciga.
  2. Imisa sharci ayaa loo baahan yahay in dalku si degdeg ah u yeesho si uu u soo kabsado? Sharciyadii hore loo ansixiyay maxaa ka fulay? Hay’adihii ka dhismayay sharciyadaas ma la aasaasay oo ma shaqeeyaan, mise meeshii la dhigay lagama soo qaadin?
  3. Dhismaha hay’adaha dowladda: Xilligan wasaaradaha wasiir baa u yar, una weyn. Ma jiraan hay’ado, wakaalado iyo guddiyo qabta adeegyada ay wasaaraduhu qabtaan. Wasiirrada qaarkood iyagaa gacantooda ku saxiixa rukhsadaha ay bixiso wasaaradda. Sidaasi darteed wasiirka iyo agaasimihiisa guud aad bay u mashquulsan yihiin, sababtoo ah waxaa saaran culeysyo ay ahayd inay wareejiyaan, laakiin duruufaha dhaqaale dartood ay shaqo uga dhigteen.

Wasiirrada iyo agaasimeyaasha guud qaarkood waxaa lagu xantaa in aysan fahamsaneyn qiimaha wakaaladahaasi u leeyihiin wasaaradda amaba aysan xiiso u haynin inay awooddii wasaaradda u qeybiyaan wakaalado iyo hay’ado, sababo dhaqaale awgood. Sidaasi darteed waxaa lama-huraan ah in la abuuro guddi heer federaal ah oo dhisa hay’adahaasi, una kala hormariya sida ay u kala muhiimsan yihiin, iyadoo loo sameynayo qorshe-howleed waqtiyeysan.

  1. Dhismaha ciidamada: Sidee loo heli karaa tiro sugan iyo xogta rasmiga ah ee ciidanka, isku-dhafka ciidamada, sideese loo mideyn karaa khasnadda ay dhaqaalaha ugu soo dhacdo, si looga baxo ciidamadan ay kala iibiyaan dalalka shisheeye? Goorma ayaase noo qorsheysan inaan 100% ku filnaano bixinta mushaaraadka iyo saadka ciidankeenna, ka hor inta aynaan ka hadlin bixitaanka AMISOM?
  2. Maxay tahay mabaadii’da siyaasaddeenna arrimaha dibedda? Ma laga dhigi karaa wax qoran oo la ogyahay? Ma waxaan ku saleyneynaa in dalkii aan saaxiib dhow la nahay aan la safanno gar iyo gardarro (sidii khilaafkii Sacuudiga iyo Sweden), mise waxaa mabda’ noo ah dhexdhexaadnimo (sida xiisadda Khaliijka)?
  3. Sidee lagu kordhin karaa canshuurta oo hadda ku eg garoonka iyo dekedda? Sideese loo isticmaalayaa, iyadoo la eegayo meelaha mudnaanta leh? Sideese u noqon karnaa dal ugu yaraan isku filan dhinaca kharashaadka dowladda lagu wado (mushaaraadka iyo adeegyada kale ee wasaaradaha, baarlamaanka iyo xafiisyada kale), intaan la gaarin miisaaniyad horumar?
  4. In la dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo qaabka ay u shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe, iyadoo degdeg loo abuurayo Hay’adda Dakhliga (Revenue Authority) si loo kala saaro dakhli-ururinta iyo wasaaradda oo siyaasadda dajiso. Maaliyadda waxaan u arkaa caqabadda xukuumadihii hore iyo tanba ay ka socon la’yihiin inay lambarka 1aad uga jirto. Wasaaaradda Maaliyadda waxay shaqadeeda ku soo koobtay inay bixiso mushaar iyo lacag koronto iyo biyo ay xafiisyada isaga bixiyaan (haddiiba la helo), iyadiina uma oggola wasaaradaha inay dhaqaale soo saaraan, hadday soo saaraanna lacagtii howlaha lagu qabtay xitaa lagama helayo. Arrintaasna kuma xallismeyso in uu wasiirku maalin kasta booqdo deked iyo garoon ee waa arrin la xiriirta siyaasad, sharci, nidaam iyo kartida iyo hufnaanta shaqaalaha.
  5. Canshuurta waxaa laga qaadaa Muqdisho oo kaliya, waxaana lagu qabtaa howlo ay leedahay dawladda federaalka ah, waayo gobolka Banaadir ayaa qabsada howlihii caasimadda gaarka u ahaa. Ma jiro nidaam dakhliga ay ku wadaagaan federaalka iyo dowlad-goboleedyada, ha noqoto canshuurta ama kheyraadka kale. Qofkii shirkad ama hay’ad ka diiwaan-geliya Muqdisho wuxuu ku qasban yahay inuu ka diiwaangeliyo dowlad-goboleed kasta. Baabuurkaaga hadduu tago Afgooye waxaa looga baahan yahay canshuurta jidka oo aan ahayn tii aad Muqdisho ku soo bixisay. Arrintana waxay u baahan tahay in la dhiso nidaam cad oo lagu jaan-gooyay qaabka loo qeybsanayo canshuuraha.
  6. La-dagaallanka musuqmaasuqa: Soomaaliya waa dalka ugu musuqa badan sanado badan, arrintaasna wax weyn lagama qaban in xitaa hal darajo sare loo soo kaco. Waxaa jira howlo la qaban karo oo gacan ka geysan kara in ugu yaraan dhowrkii sanaba hal darajo kor loo soo kaco. Waxyaabaha ugu sahlan ee musuqa lagula dagaallami karo waa sharciyo, nidaamyo, adeegsiga farsamada casriga ah, lacagaha dhammaan oo loo isticmaalo bankiyada, iwm, lana joojiyo lacag lagu qabanayo xafiis dowladeed.
  7. Waa maxay siyaasaddeenna dhaqaalaha? Sidee dhallinyarada loogu abuuri karaa shaqooyin aan ahayn kuwo KMG ah sida kuwa waqtiga kooban ee NGOs-ka? Meelehee (sectors) shaqooyin degdeg ah abuuri kara? Dowladdu maxay ku caawin kartaa ganacsatada sidii ay shaqooyin u abuurmi lahaayeen, sida canshuur-dhaafka warshadaha, korontada, ilaalinta warshadaha yaryar, iwm?
  8. Dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe muxuu yahay xiriirka iyo awoodaha ka dhexeeya? Wasaaradaha federaal iyo kuwa gobollada marka laga reebo shirar sanadkii dhowr jeer la qabto oo ay maal-geliyaan shisheeye, ma la sameyn karaa qaab wada-shaqeyn ah oo muwaadiniinta looga ilaaliyo jahawareer, isbaaro dowladeed iyo dhowr mar oo la canshuuro?
  9. Deegaan-doorasho (constituency office) in loo sameeyo xildhibaannada, sida xafiis iyo xoghayn, halkaasoo ay dadka uu matalo kala soo xiriiri karaan. Marka koowaad xafiiskaas wuxuu ka billaaban karaa Muqdisho, mustaqbalkana deegaankii uu sheeganayay inuu matalo. In xildhibaannada lagu jiheeyo inay shaqo qabtaan oo hoos ugu daadagaan duruufaha ka jira deegaannada ay sheegtaan inay matalaan. Waxaa habboon in Xildhibaannada lagu mashquuliyo gudashada waajibaadka, halkii ay ku mashquuli lahaayeen dhacdooyinka maalinlaha ah. Waxaa loo sameyn karaa qorshe-sanadeed ay ka siman yihiin, waxaana lagu xiriirin karaa howlaha wasaaradaha iyo hay’adaha ay wadaan amaba wuxuu ka abaabuli karaa reerkiisa.
  10. Billowga adeegyo aasaasi ah (sida waxbarashada iyo caafimaadka): adeegyada dowladda kama billaaban karaan in lagu dhawaaqo hal milyan oo arday oo sanad gudahiis dugsiyada aadda (sidii mashruucii socon waayay ee 2013), laakiin in la qorsheeyo adeegyo yar yar oo la wadi karo (sida kun arday oo cusub oo sanadkiiba iskuul billowda, laga dhigo 5kun, 10kun, sii wad, iyadoo kuwii horena la haynayo) iyo hal isbitaal oo markiiba magaalo laga furo. Nidaamka loo hirgelinayo waa arrin farsamo.

Qodobadaas ayaa dowladda sugaaya, wax ku mashquulsanna way yar yihiin. Qabashada waxyaabahan waa kuwo dalka dhaxal u reebaaya. Haddii kale sanad kasta wasiirrada ha isku wareejiyaan warqado maran iyo xogtii oo laabtoob ku jirta.

Waxaan aaminsanahay inkastoo ay Soomaaliya socoto – socod gaabis ah sidii diinkii – haddana in intaas ka badan lagu qaban karay 17 sano haddii uu hoggaan fiican jiro (madaxweyne, ra’iisul wasaare, guddoomiye baarlamaan iyo xikdhibaanno, wasiir iyo agaasime guud). Intaas hadday hagaagaan dalkan wuu toosayaa. Laakiin inta aysan kuwaas lahayn karti, aqoon iyo hufnaan, wax badan waan isaga sii mashquulsanaan doonnaa dhacdooyinka facebook lagu shido. Ilaah dad fiican talada ha noogu dhiibo.

Warar kale oo la xiriira