Warar 

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo mas’uuliyiin kula kulmay Qaahira

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta kala hadlay sidii uu ururkaas u kordhin lahaa taageerada uu siiyo Soomaaliya. Labada mas’uul ayaa shalay ku kulmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar oo uu mudane Jawaari ku joogo booqasho rasmi ah.

Waxay sidoo kale ka wadahadleen sidii ay Jaamacadda Carabta uga caawin lahayd Soomaaliya dhameystirka dastuurka qabyada ah ee dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Dhinaca kale, guddoomiye Maxamed Jawaari ayaa dhiggiisa Masar, Ali Abdel Aal oo uu la kulmay kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada baarlamaan iyo sidii ay uga faa’idysan lahaayeen waaya-aragnimada labada dhinac. Labada mas’uul ayaa xarunta Baarlamaanka Masar oo ay ku kulmeen ku kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalintii afaraad ku sugan Masar.

Warar kale oo la xiriira