Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo fasax galay

Kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta lagu soo xiray magaalada Muqdisho. Waxaa xaadiray mudaneyaal gaaraya 173 xildhibaan. Waxaa shir guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo ay weheliyeen labadiisa ku-xigeen Cabdiwali Muudey iyo Mahad Cawad.

Mudaneyaasha Golaha Shacabka ayaa galay fasax 2 bil ah. Waxay shaqada dib ugu soo laaban doonaan bisha Maarso ee sanadka 2018.

Kulanka maanta ayaa furmay 12-kii duhurnimo, wuxuuna dib uga dhacay xilliyadii uu furmi jiray oo ahaa 10-ka barqannimo.

Ajendaha kulanka maanta wuxuu ahaa; soo bandhigidda Warbixinta Guddiga Dastuurka ee baarlamaanka iyo warbixinta Guud ee Howlqabadka Kalfadhiga labaad.

Waxaa xildhibaannada loo qeybiyay warbixinnadii iyo waxyaabihii u qabsoomay Golaha inta lagu jiray kalfadhigan.

Mudane Jawaari oo hadal ka hor jeediyay ayaa xildhibaannada uga mahad celiayay shaqadii ay soo qabteen, sidoo kalena ku boorriyay in la dardargaliyo howlaha kale ee horyaalla.

Kalfadhiga xirmay howlaha la xusi karo ee xildhibaannada u qabsoomay waxaa ka mid ah ansixinta sharciyo ay soo meel marisay xukuumadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin; sharciga isgaarsiinta oo uu sidoo kale saxiixay madaxweynaha, sharciga biyaha iyo sharciga maxaabiis isdhaafsiga ee Soomaaliya iyo Hindiya.

Warar kale oo la xiriira