Baarlamaanka Falanqeyn Warar 

Maxaa u qabsoomay Aqalka Sare ee sanad jirka ah?

Aqalka Sare, waxaa uu qeyb ka yahay Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare sida ku xusan qodobka 55-aad oo qeexaya Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka ah.

Aqalka sare, waa aqal ka duwan Golaha Shacabka, waxaa uu leeyahay mas’uuliyado iyo shaqo loo igmaday.

Masuuliyadaha Aqalka sare:

Ka-qayb-qaadashada wax-ka-beddelidda dastuurka.

Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno iyo eegidda sharciyada loo igmaday, si waafaqsan Qodobbada 82-83 ee dastuurka.

Ka-qayb-qaadashada doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah si waafaqsan Qodobka 89-aad.

Xil ka qaadida madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92-aad.

Ka-qayb-qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal iyo xaalad degdeg ah.

Hirgelinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegidda dastuurka iyo ka-qayb-qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha dowladda.

Aqalka Sare

Wuxuu matalaa dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka ah. Wuxuu si gaar ah u ilaaliyaa sharciyada ku saabsan maamul-goboleedka uu matalo, iyo ilaalinta maslaxadda shacabka deegaannadaas. Wuxuu sidoo kale isha ku hayaa howlaha maaliyadda iyo mashaariicda ee maamullada.

Waa 54 mudane oo ka imaanaya 18-kii gobol ee ay Soomaaliya lahayd ka hor 1991-kii. Waxay leeyihiin xasaanad la mid ah tan xubnaha Golaha Shacabka.

Sanad-jirsashadiisa

Muddada sanadka ah ee uu jiro, inkastoo ay jiraan wax u qabsoomay, haddana Aqalka Sare waxaa soo wajahay caqabado badan, kuwaas oo leh kuwo sharci iyo kuwo dhanka bulshada ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare, Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo ka hadlay wixii u qabsoomay muddada sanadka ayaa sheegay in uu Goluhu yeeshay 51 fadhi labo kalfadhi oo midkiiba uu socday afar bilood. Maaddaama uu cusbaa wuxuu kalfadhigiisii hore ku mashquulay saldhigasho iyo howlgalis. Wuxuu ku guuleystay sameysashada astaan lagu yaqaanno, doorashada guddoonkiisa, dejinta xeer-hoosaadkiisa, dhisidda guddi-hoosaadyada iyo shaqaale qorasho.

Kalfadhigii labaad ayuu guddoomiye ku-xigeenka sheegay inuu Aqalka Sare akhriyay, kana dooday hindise-sharciyeedyo dhowr ah. Keliya sharciga Isgaarsiinta ayuu Aqalku meel-mariyay, hase yeeshee kuwo kale oo dhowr ah ayaa qabyo u ah.

Caqabadaha

Aqalkan oo ku cusub dowladnimada Soomaaliya wuxuu caqabado kala kulmay warbaahinta oo aan kala saari karin labada Gole iyo qeybaha kale ee dowladda. Fahamka la xiriira howlaha aqalkaan ayaa ahaa caqabad kale oo weyn, sida uu Kalfadhi u sheegay Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah xoghayaha guddiga dastuurka ee labada aqal.

Xitaa xukuumadda ayuu xusay in aanay mar walba arkeynin qodob dastuuri ah oo ah in sharcigu ka billaaban karo labada aqal midkood ayaa caqabadaha ka mid ah.

Qodobkaas waa kan 79aad; oo ka hadlaya “Sharci-dejin qabyo ah” farqadiisa saddexaad oo u dhigan; (3) Ka-doodidda sharci kasta oo qabyo ah wuxuu ka billaaban karaa mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Xukuumadda ayaa sheegtay in muddo sanad ka yar oo ay jirto ay soo gudbisay ku dhowaad 30 sharci; dhammaan sharciyadaasna waxa ay ka soo billowdeen, qaarkoodna ku dhamaadeen Golaha Shacabka sida ansixinta miisaaniyadda 2018-ka, taasoo oo kuu muujinaysa in weli ay jiraan caqabado badan oo billow ah, misana u baahan wax ka qabasho.

Labo arrin ayaa ugu muhiimsan sababaha Golaha Shacabka ay kali ugu yihiin ka-doodidda sharciyada ay xukuumaddu u soo gudbisay waana, dalka oo la qabsaday nimaadkii hore ee ahaa in hal baarlamaan iyo maaddaama xukuumadda uu ansixiyay Golaha Shacabka in ay jirto cabsi ah inay mooshin ka keenaan haddii la baalmariyo howlaha.

Caqabadaha kale ee sannadkaan la jirsaday Aqalka Sare  waxaa ka mid ah, in iyagoo u badan odayaal ay yimaadaan subax walba shaqadooda, haddana ay ku laabtaan guryahooda iyaga oo aan waxba qaban, maaddaama inta badan howlihii oo dhan ay xukuumaddu u weecisay dhanka Golaha Shacabka.

Senator Xuseen ayaa qaba in loo baahnaa dhismaha Aqalka Sare, maaddaama uu dalku qaatay nidaamka federaalka ah. Taas oo la macno ah in dalka ay ka jirto labo heer dowladeed oo kala ah mid federaal ah iyo mid maamul goboleed, “mar haddii uu meesha soo galay maamul-goboleed lagama maarmaan ayay ka dhigtay in la helo cid ilaalisa danahahooda oo la macno ah in la helo Aqalka Sare,” ayuu yiri.

Sababta kale ee muhiimka ka dhigeysa in la sameeyo Aqalka Sare ayuu senatorka ku sheegay in ay tahay in labada aqal loo sameeyo ismiisaamid  ama dheellitirid “check and balance”. Labadooda haddii uu mid arrin ku fududaado ama uu smaeeyo qalad siyaasadeysan ama xamaasadeysan in kan kale uu qabto. “Taas ayaana caddeynaysa in Golaha Shacabku uusan ku filneyn howlaha sharci dajinta dalka,” ayuu yiri.

Waxa ugu muhiimsan ee Aqalka Sare uu mudnaanta siin doono marka uu fasaxa ka soo noqdo waa sharciga maqaamka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo sharciga jinsiyadaha.

Khilaafka labada Gole

Waxaa jira khilaafyo soo kala dhex galay labada Gole oo salka ku hayay shirkii Baydhabo ee guddoonka Goleyaasha sharci-dejinta maamul-goboleedyada iyo kan federaalka ah iyo ansixinta miisaaniyadda 2018.

Shirkaas ayuu Aqalka Sare bartamihii bishii hore ee Diseembar ka soo saaray qoraal uu doonayo in lagu joojiyo. Iyadoo ay taas jirto ayuu shirkaas dhacay. Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare ayaa Kalfadhi u xaqiijiyay in guddoomka labada aqal ay ka ballameen in dib looga wadahadlo arrintaas.

Doodda u dhaxeysa labada aqal dartood ayay maalmo dib ugu dhacday ansixinta miisaaniyadda 2018. Waxaa la waayay qodob sharci ah oo caddeynaya in labada aqal ay wada leeyihiin ansixinta ama uu mid gaar u leeyahay. Sidaas darteed maadaama awal uu Golaha Shacabka ansixin jiray ayuu markanna sidii yeelay.

Dood badan oo ay keeneen xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare, hadda waxaa lagu ballamay xeer-jabab oo madaxweynaha dowladda fedraalka ah ayaa ballan-qaaday in la dhex-dhexaadin doono labada gole, sida ay Kalfadhi u xaqiijiyeen xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare.

Axmed Daahir Cumar

Warar kale oo la xiriira