Falanqeyn Warar 

Qoondada miisaaniyadda ee xafiisyada madaxweynaha iyo raysul wasaaraha

Labada Gole ee Baarlamaanka dalka ayaa meelmariyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018-ka, taas oo ka kooban miisaaniyad dhan $274,630,191. Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan ayaa 14-milyan ka badan tii sanadkii hore.

Madaxtooyada qaranka iyo xafiiska raysul wasaaraha ayaa loo qoondeeyay miisaaniyad dhan $10,356,543 sida ku cad nuqulka miisaaniyadda ee ay diyaarisay wasaaradda maaliyadda, baarlamaankana uu ansixiyay.

Xafiiska Madaxweynaha

Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku talagalka Miisaaniyadda ee sanadkan 2018 wuxuu yahay  $4,961,697. Lacagtaas waxay ku bixi doontaa shaqada, shaqaalaha, safarrada iyo arrimo kale.

Adeegga shaqaalaha oo ay ku jiraan mushaarka shaqaalaha joogtada ah, gunnooyinka iyo kharashaadka kale ee shaqaalaha xafiiska madaxweynaha oo keliya waxaa ku bixi doonta $2,749,284. Waa kala bar in ka badan qoondada guud ee xafiiska. Halka $825,000 ay tahay ku talagalka kharashaadka socdaalka madaxweyaha.

Xafiiska Raysul wasaaraha

Misaaniyadda ku tagalka Xafiiska Raysul wasaaraha Soomaaliya ee sanadkan 2018-ka ayaa ah $5,394,846. Lacagtaas $2,432,196 waxay ku bixi doontaa adeegga shaqaalaha oo ay ku jiraan mushaarka shaqaalaha joogtada ah, gunnooyinka iyo kharashaadka kale ee shaqaalaha xafiiska. Halka socdaalka Raysul wasaaraha loo qorsheeyay in ay ku baxdo lacag dhan  $440,000. Lacagtaas waxay in ku dhow kala bar ka yar tahay tan loo qoondeeyay socdaalka madaxweynaha.

Cabdicasiis Axmed Ibraahim oo culuumta dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa qaba in ay tahay tallaabo horay loo qaaday dajinta guud ee miinsaaniyadda dowladda ee sanadkan 2018-ka. Wuxuu xusay in uu jiro koror xagga dakhliga ah.

Laakiin Miisaaniyadda loo qoondeeyay Madaxtooyada qaranka, oo inta badan ku bixi doonta shaqaalaha joogtada ah ee Xafiisyada Madaxtooyada ayuu ku tilmaamay in ay tahay mid weli uu dal-dalool ka muuqdo.

“Marka la eego dal hadda burbur kasoo baxaya waxay ahayd in miisaaniyaddiisa loo badiyo arrimaha dib-u-dhiska, horumarinta iyo wixii la mid ah,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray “laakiin miisaaniyadda hadda la dajiyay xafiisyada madaxtooyada inta badan waxay u qoondeeyeen shaqaalaha iyo agabka xafiisyada, taas weli dhaliil ayaa ka jirta.”

Wuxuu dhinaca kale madaxtooyada ku dhaliilay in aysan shaqaalaheeda u fiirin inay yar yihiin ama ay badan yihiin. “Taas dib-u-eegis laguma sameyn ilaa dowladihii kumeel gaarka ahaa ee dalka soo maray. Shaqaalaha madaxtooyada waa la iska qorayay, looma fiirineyn baahi shaqaale miyaa jirta? Ma yihiin shaqaalihii loo baahnaa,” ayuu yiri.

Arrintaas ayuu xusay inay sabab u tahay in lacagta ugu badan ee xafiisyada ay noqoto waxa ku baxa howsha maalinlaha ah oo aysan ku jirin mashaariic iyo wixii la mid ah.

Dhinaca kale, Maxamed Cali Aadan oo dajinta Miisaaniyadda iyo dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Muqdisho, kana mid ahaa dadkii ka qeybgalay dooddii baarlamaanka ee miisaaniyadda ayaa isaguna qaba in ku talagalka miisaaniyadda ee xafiisyada ay tahay mid badan. Sababta wuxuu ku sheegay badnida shaqaalahooda.

Wuxuu aamisan yahay in xafiiska Raysul wasaaraha uu ka badnaan karo xagga shaqaalaha xafiiska madaxweynaha, laakiin ay muhiin tahay in la isku jaan-gooyo dhaqaalaha ku baxaya muusharaadka. Wuxuu tilmaamay in meelo kale looga faa’iideysan karo haddii la dhimo lacagta ku baxda shaqaalaha xafiisyada.

“Laakiin aniga xitaa macquul ilama ahan kharashaadka ku baxaya xafiisyadaas, maxaa yeelay waxay ahayd meelo kale in lagu xoojiyo,” ayuu yiri. Wuxuu si gaar ah su’aal isaga waydiiyay sababta uu meelaha qaar ee qoonada u badan yahay xafiiska madaxweynaha.

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ku sheegay sababta ay miisaaniyadda madaxtooyada uga badan tahay tii sanadkii hore kororka dakhliga gudaha. Wuxuu xusay in dhamaan miisaaniyadda dowladda ee sanadkan uu kororkaas wax ka beddelay.

Fatxi Maxamed Axmed

Warar kale oo la xiriira