Falanqeyn Warar 

Sidee ayay Miisaaniyadda 2018 wax uga qabanaysaa waxbarashada iyo shaqo-abuurka?

Wadarta guud ee miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadka 2018 oo ay diyaarisay wasaaradda maaliyadda waa $274, 630,19. Waxaa dib-u-eegis ku sameeyay kana talo-bixiyay guddiga maaliyadda ee baarlamaanka 10-aad.

Miisaaniyaddan ayaa kharashaadka adeegga maamulka iyo difaaca loo qoondeeyay 94.8 boqolkiiba halka 5.2 boqolkiiba loogu talagalay mashaariicda dhinaca horumarinta sida lagu xusay warbaxin uu soo saaray guddiga odoroska miisaaniyadda qaranka .

Kharashka miisaaniyadda waxaa qeyb ka ah ku-talagalka deeqaha dalal badan oo saaxiibbo la ah Soomaaliya. Dalalkaas waxaa ka mid ah Turkiga, Qatar, iyo Sacuudiga. Wadar ahaan waxa laga filayaa $62,360,000.00.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah miisaaniyadda sanadkan deeqo loo gaar yeelay maamul goboleedyada dalka oo gaaraya $10, 650,000.

Waxbarashada waxaa looga qoondeeyay miisaaniyadda $7,077,488 oo ku baxeysa adeegga shaqaalaha, agabka, tababarrada, iyo akadeemiyo-goboleedka Af-Soomaaliga.

Sidee ayay miisaaniyadda wax uga qabanaysaa waxbarashada?

Yaxye Caamir oo la-taliye u ah Bankiga Adduunka ayaa Kalfadhi uga warramay sida ay miisaaniyaddan kaalin togan ugu lahaan karto waxbarashada dalka iyo tayadeeda. Wuxuu bogaadiyay lacagaha sanadkan lagu kordhiyay qoondada waxbarashada ee miisaaniyadda, inkastoo uu xusay inay billow tahay balse intaa ka badan ay ahayd in loo qorsheeyo waxbarashada maadaama baahida waxbarashada dalka ay ballaaran tahay.

Wuxuu tilmaamay in ay mudnaantu tahay in la helo ujeeddo toolmoon oo leh bar-tilmaameed cad, isagoo ka digay in waxbarashadu ay tayo-beeli doonto haddii kharash oo keliya laga fekero.

“Baahida bulshada ay u qabto waxbarasho aad ayay u badan tahay. Waa in laga dhigaa miisaaniyadda wax toos ugu baxa macallinka iyo ardeyga oo aan laga dhigin wax ku baxa maamul,” ayuu yiri.

Yaxye ayaa sheegay in aysan waxbarashadu ku koobneyn qoondada la siiyay wasaaradda waxbarashada, waxa uu tusaale u soo qaatay xukuumaddii Kacaanka oo wasaarad walba ay laheyd qeyb waxbarasho sida wasaaradihii kalluumeysiga, beeraha iyo xannaanada xoolaha.

Yaxye ayaan waydiinnay deeqaha la filayo inay dalalku ku kordhiyaan miisaaniyadda ma laga yaabaa in lagu fuliyo mashaariic ay fursado shaqo ka heli karaan dhallinyarada?

“Haa, haddii aad qorshahaaga sanadka ku darto, ma aha in dowladdu ay dadka oo dhan shaqo siiso oo ay u wada shaqeeyaan laakiin waa in ay abuurto mashaariic iyo waddooyin kale oo dadka ay ku shaqeysan karaan,” ayuu yiri.

Maxamed Duraan oo ah baare iyo dhaqaaleyahan ayaa Kalfadhi u sheegay in miisaaniyadda ay diiradda saareyso howlaha dowladda Soomaaliya gaar ahaan mushaaraadka iyo qalabka lagu shaqeynayo.

“Miisaaniyadaha dalalka waxaa mudnaanta leh adeegyada bulshada, laakiin waxaad moodaa in dowladda Soomaaliya ay intaasi tabar ka tahay,” ayuu yiri.

Axmed Sheekh Xasan oo ah 25 jir ka baxay jaamacad oo aan helin fursad shaqo muddo seddex sano ah oo laga joogo markii uu qalin-badashay ayaa isagoo wali ay ka muuqato rajada ah in uu helo shaqo wuxuu Kalfadhi u sheegay in shaqo la’aanta ay si taban u saameysay.

“Mararka qaar, ma awoodo in aan iska dabbaro kharashaadka yar yar ee igu baxa, shaqo la’aanta waxay igu noqotay mahadho aanan illoobi doonin,” ayuu yiri.

Inkastoo aan tirakoob dhab ah laga heyn heerka dhallinyarada shaqo la’aanta ah ee dalka haddana waxaa la rumeysan yahay in Soomaaliya ay safka hore uga jirto dalalka dadkooda ay ka cabanayaan shaqo la’aanta oo ah aafada aan dhammaadka laheyn ee ku habsata jiilka dhallinyarada ah.

Mahad Maxamed Cali

Warar kale oo la xiriira