Warar 

M/weyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga 3-aad ee Barlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta daah furay kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay u wada dhamaayeen mudanayaasha labada aqal.

Gudoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubnaha Barlamaanka ayaa madasha maanta joogay.

Wadajirka xildhibaannada ayaa maanta xaadiray iskuulka tababarka ciidanka Booliska Soomaliyeed ee General Kaahiye halkaa oo ay ka dhacaysay xaflada daah furka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka.

Xaflada daah furka Kalfadhigaan waxaa lagu casuumay Gudoomiyaasha Baarlamaanada Maamul goboleedyada dalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir.

Xildhibaanno cusub ayaa maanta la dhaariyay kuwaas oo buuxiyay kuraas ka banaaneyd Golaha shacabka.

Xildhibaannada maanta la dhaariyay ayaa ka soo kala jeeda Deegaanada Somaliland, Jubaland iyo Hirshabeelle, waxaana ay ka mid noqdeen Golaha shacabka Soomaaliya , waxaana dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan.

Xildhibaanada ayaa kala ah Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo lagu soo doortay magaalada Jowhar , Xildhibaan Maxamuud Cabdulahi Siraaji oo Kismaayo lagu soo doortay iyo Xildhibaan Fatxi Saciid Xasan oo Muqdisho lagu doortay.

Xaflada daah furka intii ay socotay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa soo bandhigay heshiis dhismo oo lagu sameenayo aqalka ay sida KMG ah u degan yihiin Golaha shacabka oo ay dowladda Turkiga dhiseyso.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in heshiiskaas lagu dhisayo xarunta ay hadda ku shaqeeyaan uu qaadanayo muddo gaareysa 5 bilood isaga oo xusay in kaddibna la dhisaayo Xarunta Guriga Umadda ee uu Baarlamaanka leeyahay.

Jawaari ayaa sheegay in Hay’adda TIKA ay dhiseyso golaha shacabka Soomaaliya isaga oo sheegay in marka la dhiso  xarunta weyn ee Guriga Umadda ay halkaas u guuri doonaan golaha shacabka.

Inta kadib kalfadhiga 3-aad ee Barlamaanka waxaa furay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo sidii lafilaayay ka hadlay arimo muhiim ah oo hadal heentiisu dalka ka taagneyd.

Qudbadda uu jeediyay Madaxweyne Farmaajo ayaa taabanaysay dhinacyada amaanka,dhaqaalaha, iyo xiriirka caalamiga.

Heshiiskii Berbera ee Imaaradka iyo Somaliland wada galeen ayuu soo hadal qaaday Madaxweyne Farmaajo waxana uu shaaca ka qaaday inay dowladiisa diyaar u tahay in maalgashi lagu sameeyo Soomaaliya balse aysan ogolaan doonin wax ku socda hab aanan waafaqsaneen nidaamka iyo sharciga dalka u yaala.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay in cid waliba oo daneenaysa maalgashi ay ku sameeyan Soomaliya ay fasax sharci ah ka haystaan hay’adaha sharciga ee dowladda Soomaaliya.

Dhaqaalaha dalka isagoo ka hadlaayay waxa uu madaxweynaha sheegay in dhaqaale ahaan dalka uu maarayo meel lidatada balse ayyan ka dhigneen inay is dhiibeen isagoo shacabka ku amaanay inay yihiin dad adag oo waxsoosaaran kara.

Uruu goboleedka IGAD ayuu sheegay in la gaaray waqtigii ay Soomaaliya hogaamin lahayd waxaana xusid mudan in xilka Xoghaya Urur Goboleedka IGADu sharraxanyahay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar.

Mudanayaasha labada aqal waxaa horyaala shaqooyin muhiin ah oo qaarkood inta aysan fasaxa galin qabyo uga tageen iyo kuwa kale oo laga rabo in kalfadhigaan ay ka shaqeeyaan.

 

W/D Xasan Maxamed Aweys

Warar kale oo la xiriira