Warar 

Guddiga Qaban qaabada doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo lagu dhawaaqay

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta looga dhawaaqay xubnaha guddiga qaban qaabada ee doorashada guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya oo uu iska casilay guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Guddigan waxaa la magacaabay 19kii bishan Abriil.

12-kii bishan Abriil ayay ahayd markii uu Guddoomiye Jawaari xubnaha Golaha shacabka ka hor sheegay inuu xilkii Guddoomiyenimo uu baneeyay.

Guddigaan oo ka kooban 15 xildhibaan ayaa 15 cisho gudahood kusoo diyaarin doonna doorashada Guddoonka golaha Shacabka.

‘’ Kadib markan dhageystay soo jeedinta xildhibaannada golaha shacabka,waxaan halkan hoose ku magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha golaha shacabka,’’ ayuu yiri,Mahad Cabdalle Cawad.

Xubnaha guddigaan ku jira waxaa golaha ka hor akhriyay Mahad Cabdalla Cawad, guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha shacabka xubnahasi waxaa kamid ah:-

1-Xildhibaan Axmed Cusmaan Ibraahim (Daqare)

2-Xildhibaan Cabdfitaax Maxamed Cali

3-Xildhibaan Cabdifataax Qaasim Maxamuud

4-Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Aaden (Shaacir)

5-Xildhibaan Canab Xasan Cilmi

6-Xildhibaan Deeqa Xasan Cumar

7-Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar

8-Xildhibaan Maxamed Cabdikaafi Maxamed

9-Xildhibaan Nuur Iidow Bayle

10-Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud Xayl

11-Xildhibaan Xasan Cali Maxamed ( Amar Dambe)

12-Xildhibaan Xiis Aadan

13-Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed

13-Xildhibaan Sahra Cabduqaadir Cabdiraxmaan

15-Xildhibaan Saynab Maxamed Caamir.

 

 

 

 

Warar kale oo la xiriira