Warar 

Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo maanta lagu dhawaaqayo

Sida lagu shaaciyay ajandaha maanta ee la horkeeni doono mudanayaasha Golaha Shacabka,waxaa lagu dhawaaqi doona guddiga doorasho ee Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed kuwaasi oo ka shaqeyn doona inay qabtan muddo 15 maalmood gudaheed doorashada Guddoonka Golaha shacabka.

Warar  ay Kalfadhi helayso ayaa sheegaya in Guddigaan maanta lagu dhawaaqi doono  uu ka kooban yahay 15 xubnood .

Cabdiwali Sheekh Muudey oo ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa shir gudoomin doonna Kaldadhiga 3aad kulankiisi 3 aad oo saakay 9ka subaxnimo ka furmaya xarunta Golaha Shacabka.

Waxaa jira dhowr musharax oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyenimo ee uu iska casilay guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan  (Jawaari) .

Dhinacyadii labada garab u kala jabay ee mooshinkii laga keennay gudoomiye Jawaari ayaa la filayaa inay si weyn ugu loolaman doorashada o saaro musharaxa uu wato.

 

Warar kale oo la xiriira