Baarlamaanka Warar 

Guddiga qaban qaabada doorashada golaha shacabka oo maanta soo xiraya diiwangelinta musharrixiinta xilka afhayeenka baarlamaanka

Isdiiwangelinta musharrixiinta u tartameysa xilka guddoomiyenimo ee golaha shacabka Soomaaliya oo shalay billaabatay ayaa lagu wadaa in maanta la soo xiro,sida uu hore u sheegay guddiga qaban qaabada doorashada.

Musharrixiin badan ayaa isdiiwangeliyay halka qaar kalena ay maanta qorsheynayan in ay gudbiyan warqadaha isdiiwaangelinta.

Maalmaha Arbacada iyo Khamiista ayay musharrixiinta isdiiwangeliya waxa ay golaha shacabka ka hor jeedin doonan qudbadahooda musharraxnimo.

Doorashada guddoonka baarlamaanka waxa ay dhici doontaa 30-ka bishan Abriil oo ku began maalinta Isniinta ee toddobaadka dambe.

Warar kale oo la xiriira