Baarlamaanka Warar 

Wasiirka gaashandhigga oo ku dhawaaqay iscasiladdiisa si uu ugu tartamo afhayeenka golaha shacabka

Wasiirka gaashandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan ayaa goor dhaw shaaciyay in uu xilkii wasiirnimo ee uu haayay in uu iska casillay si uu ugu tartamo guddoomiyenimada golaha shacabka.

Wasiirka ayaa sido kale si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyenimo ee golaha shacabka.

Guddiga qaban qaabada doorashada golaha shacabka ayaa hore u sheegay in aysan aqballi doonan codsiyada musharax kasta oo xubin ka ah golaha wasiirada inta uu iska casilayo.

Wasiir Musral ayaa noqday masuulkii afaraad ee golaha wasiirada ka tirsan ee xilalkooda iska casilay si ay ugu tartaman xilka afhayeenka golaha shacabka.

Doorashada guddoonka ayaa dhici doonta 30-ka bishan sida uu sheegay guddiga doorashada golaha aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira