Baarlamaanka Warar 

Xildhibaannada golaha shacabka oo maanta dhageystay qudbaddaha lix musharrax

Lix musharrax oo kamid ah 11 xildhibaan oo u taagan xilka guddoomiyenimo ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta qudbaddahooda musharraxnimo waxa ay ka hor jeediyen xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Ajandaha maanta ee fadhigii afaraad ee golaha waxa uu ku saabsanaa hadal jeedinta musharrixiinta guddoonka aqalka hoose.

Musharrixiintii maanta hadlay.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow

Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen)

Xildhibaan sheekh Aden Maxamed Nuur (Madoobe)

Xildhibaan Idiris Cabdi Taktar

Xildhibaan shariif Maxamed Cabdalla.

Waxaa weli harsan 5 musharrax oo maalinta berito ah qudbaddahooda ka jeedin doona xarunta golaha shacabka.

Doorashada golaha ayaa dhici doonta 30-ka bishan Abriil,sida uu sheegay guddiga doorashada aqalka hoose.

Warar kale oo la xiriira