Baarlamaanka Warar 

Kullankii maanta ee golaha shacabka oo lagu dhageystay hadal jeedinta 5 musharrax

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhageystay qudbaddaha 5 musharrax oo u taagan xilka afhayeenka golaha.

Musharrixiinta maanta lahaa hadal jeedinta waxaa kamid ahaa wasiirkii gaashandhigga xildhibaan Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan.

Waxaa si rasmi ah loo gebagabeeyay dhageysiga hadal jeedinta 11 musharrax oo doonaya in ay beddel u noqdan Maxamed sheekh Cusmaan (Jawaari) afhayeenkii hore ee golaha shacabka ee iscasilay.

Guddiga qaban qaabada doorashada golaha ayaa seddexda cisho ee soo socota kusoo koobi doona howlahooda si maalinta Isniinta loo doorto guddoomiye cusub.

Warar kale oo la xiriira