Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Khaliif Sheekh

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Soomaaliya ahna ku simaha guddoomiyaha xildhibaan Cabdiweli sheekh Ibraahim Muudey ayaa tacsi u diray ehelada iyo qoyskii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee xildhibaan  Khaliif sheekh Cabdullaahi oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa sido kale tacsi u diray qoyska xildhibaan Khaliif sheekh Cabdullaahi.

Mudenayaasha Golaha shacabka ayaa berito dooran doona guddoomiye cusub si uu beddel ugu noqdo Maxamed sheekh Cusmaan (Jawaari).

Jawaari ayaa 12-kii bishan Abriil iska casilay xilka afhayeenka golaha shacabka kadib khilaaf siyaasaded oo soo kala dhexgalay guddoomiyaha iyo laanta fullinta ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira