Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Khaliif Duurey oo ku geeriyoodey Muqdisho

Allaha u naxariistee waxa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan Khaliif sheekh Cabdullaahi duurey oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo xanuunsana ayaa xalay fiidkii hore ku dhintay cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho,sida ay qortay wakaallada wararka dowladda ee SONNA.

Geerida allaha u naxariistee xildhibaan Khaliif sheekh Cabdullaahi ayaa timid hal maalin ka hor iyada oo ay xildhibaannada isku diyaarinayan in ay doortan guddoomiyaha cusub ee golaha si uu beddel ugu noqdo Maxamed Cusmaan (Jawaari)

Xildhibaan Duurey waxa uu kamid ahaa mudenayaasha golaha shacabka ee laga soo doortay deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maalinta berito ayay doorashada guddoonka golaha shacabka ka dhici doonta xarunta golaha ee magaalada Muqdisho.

Warar kale oo la xiriira