Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dooranaya guddoomiye cusub

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay doortan guddoomiye cusub si uu beddel ugu noqdo Maxamed sheekh Cusmaan (Jawaari).

11 musharrax ayaa u taagan xilka guddoomiyenimo ee golaha shacabka,kuwaas oo 5 kamid ah ay ahaayen xubno ka tirsanaa golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ka hor inta aysan iska casilin xilalkooda.

Magacyada Musharrixiinta

1-Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow

2-Xildhibaan Cali sheekh Maxamuud Nuur

3-Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed

4-Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

5-Xildhibaan sheekh Aden Maxamed Nuur Madoobe

6-Xildhibaan Shariif sheekh Maye

7-Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar

8-Xildhibaan Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan

9-Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

10-Xildhibaan Maxamuud Macallin Yaxye

11-Xildhibaan Iiman Cabdullaahi Cali

 

Warar kale oo la xiriira