Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Aadan Madoobe oo ka tanaasulay tartanka afhayeenka golaha shacabka

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa goor dhaw xarunta golaha shacabka kaga dhawaaqay in uu ka tanaasulay musharraxnimadiisa xilka afhayeenka golaha shacabka.

‘’ Waxaan doonaya mudane guddoomiye in aan shaaciyo in aan go’aansaday in aan ka tanaasulo musharraxnimadayda, ‘’ Waxaan u tanaasulaya walaalaheyga maadama aan hore u soo noqday guddoomiyaha golaha shacabka,’’ ayuu yiri,Aadan Madoobe.

Magacyada Musharrixiinta

1-Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow

2-Xildhibaan Cali sheekh Maxamuud Nuur

3-Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed

4-Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

5-Xildhibaan Shariif sheekh Maye

6-Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar

7-Xildhibaan Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan

8-Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

9-Xildhibaan Maxamuud Macallin Yaxye

10-Xildhibaan Iiman Cabdullaahi Cali

Warar kale oo la xiriira