Baarlamaanka Warar 

Beesha Caalamka oo hambalyo u dirtay Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan

Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa ugu hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan guusha uu ka gaaray doorashadii shalay lagu doortay.

David Concar oo qorraal kooban ku soo qorray bartiisa Twitter ayaa yiri,’’ Hambalyo Maxamed Mursal Cabdiraxmaan. ‘’ Dowladda Ingiriiska waxay rajeyneysaa in ay la shaqeyso Maxamed Mursal waxaanau rajeynayaa guul.’’

Dhinaca kale, Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa u soohambalyeeyay guddoomiye Maxamed Mursal.

Qorraal la soo dhigay barta Twitter ee howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu soo dhaweynayo doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa shalay u doortay  Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya isaga oo xafiiska kala wareegaya Maxamed Cusmaan (Jawaari) oo horaantii bishii Abriil xilkasi iska casilay kadib caddaadis siyaasaded oo kaga yimid hey’adda fullinte ee dowladda federaalka.

Warar kale oo la xiriira