Baarlamaanka Warar 

Duqa Muqdisho oo raalligelin ka bixiyay hadal uu ku dhaleeceyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa raalligelin ka siiyay xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya hadal uu dhawaan ku dhaleeceyay.

Injineer Yariisow oo hadal qorraal ah soo geliyay boggiisa Twitter ayaa sheegay in uu raalligelin ka bixinayo hadal uu sheegay in fasiraad laga bixiyay.

‘’ Xildhibaannada sharafta leh ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaan ka raalligelinaya fasiraad laga bixiyay hadal u jeedku ahaa inaan shacabka waqti u helo.’’

Guddoomiye Yariisow ayaa dhawaan ku eedeeyay xildhibaannada baarlamaanka in ay faragelin ku sameeyan shaqooyinkiisa.

Warar kale oo la xiriira