Warar 

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo tababartay shaqaale ka tirsan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tababar soconayay muddo seddex cisho ugu soo xirtay magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland shaqaale ka tirsan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Tababarkan ayaa ku saabsanaa maaraynta Xuduudaha dalka iyo arrimaha muhaajiriinta,sida ay qortay wakaalada wararka Sonna.

“Waxaa lagu guuleystay in la soo celiyo sharaftii Baasboorka,dhinaca socdaalka waxaa lagu guuleystay in la qaato tababaro badan,si looga hortago dhagar qabayasha sida sharci darada ah ku soo galaya dalka,ha noqdo muwaadin Soomaali ah oo dhagar qabayasha kamid ah ama kuwa ajaanibta ah” ayuu yiri agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyada Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso  C/nuur Maxamed Jaansaar

Hey’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa gacan weyn ka geystay tababarkan oo loogu talo galay sare u qaadida shaqaalaha dowladda ee dhinaca xuduudaha dhulka iyo cirka.

Warar kale oo la xiriira