Baarlamaanka Warar 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo loo dhisayo dhismo ay si ku meel gaar ah ugu shiraan inta la dayactirayo xarunta golaha shacabka

Dhismaha xarun ay si ku meel gaar ah ugu shiri doonan xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta si rasmi ah looga billaabay gudaha Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa la filaya in ay muddo kooban ku dhisto xarunta golaha shacabka oo imminka aad u burbursan.

Guddoomiyaha cusub ee golahan mudane Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa Injineerada dhisaya xarunta ka codsaday in ay dedejiyan dhismaha xaruntan si shaqooyinka golaha halkan loogu soo wareejiyo muddo kooban.

Dhismaha baarlamaanka ayaa lagu wadaa in loo dhiso qaab casri ah oo ay ku bixi doonto lacag aad u badan.

Warar kale oo la xiriira