Baarlamaanka Warar 

Maxamed Mursal oo markii ugu horeysay shir guddoominaya kulanka golaha shacabka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa waxaana shir guddoomin doona afhayeenka cusub ee golaha mudane Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan.

Ajandaha kulankan ayaa noqon doona Hab maamuuska xeerka lagu aas aasay Midowga Afrika ee khuseeya midowga baarlamaanada Afrika.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa kulma 3 cisho toddobaad kasta waana maalmaha;Sabtida,Isniinta iyo Arbacada.

Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan oo hore u soo noqday wasiirkii gaashandhigga iyo safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa 30-kii bishii hore loo doortay afhayeenka cusub ee golaha shacabka isaga oo beddelay Maxamed sheekh Cusmaan Jawaari.

Jawaari ayaa iska casilay guddoomiyenimada golaha shacabka horaantii bishii Abriil seddex toddobaad kadib markii uu sii xoogeystya khilaaf kala dhaxeeyay madaxda hey’adda fullinta.

Warar kale oo la xiriira