Baarlamaanka Dowladda Hoose Warar 

Duqa Muqdisho oo golaha aqalka sare u gudbiyay wax qabadka maamulkiisa

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa u gudbiyay golaha Aqalka Sare warbixin ku saabsan wax qabadka maamulka gobolka Banaadir.

War saxafaaded ka soo baxay xafiiska duqa Muqdisho ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha uu si gaar ah uga warbixiyay arrimaha musuq maasuqa iyo hannaanka dhinaca maaliyadda ee caasimada.

Xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dawlad Goboleedyada ee Aqalka Sare ayaa su’aalo ka weydiiyay duqa Muqdisho howlaha maamulka gobolka gobolka iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Gobolka Banaadir oo kaashanaya ganacsatada Muqdisho ayaa bixiya dakhliga ugu badan ee lagu kaabo miisaniyadaha dowladda.

Warar kale oo la xiriira