Baarlamaanka Warar 

Afhayeenka golaha shacabka oo maanta la caleema saarayo

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta lagu caleemo saaraya caasimada Muqdisho.

Xaflada caleemo saarka oo ay ka soo qeyb galayan xubno ka socda maamul goboleedyada iyo dalalka deriska waxaa lagu qaban doonaa xarunta Janaraal Kaahiye.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa Maxamed Mursal u doortay afhayeenka golaha 30-kii bishii hore si uu beddelo Maxamed Cusmaan (Jawaari) oo xilkasi iska casilay kadib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxda golaha fullinta.

Maxamed Mursal ayaa markii ugu horreysay toddobaadkan shir guddoomiyay kulankii golaha shacabka markas oo uu aqalka hoose ansixiyay xeerka lagu aas aasay Midowga Afrika ee khuseeya midowga baarlamaanada Afrika.

Warar kale oo la xiriira