Baarlamaanka Warar 

Shirka daah furka ololaha dib u eegista dastuurka oo beri ka furmaya Muqdisho

Shirka daah furka ololaha dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah ayaa berito ka furmaya caasimada Muqdisho iyada oo ay ka soo qeyb gali doonan dad ka badan 300 oo qof.

Shirkan oo socon doona muddo seddex cisho waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha dib u eegista dastuurka.

Wasaarada dastuurka Soomaaliya ayaa dedaal xoogan ku bixisay sidii wada tashi loo gelin lahaa dib u eegista dastuurka muddooyinkii la soo dhaafay.

Masuuliyiin ka socda wasaaradaha dastuurka ee dowlad goboleedyada ayaa sido kale ka qeyb galaya shirkan marka laga reebo maamulka Jubbaland oo xaqiijiyay In aysan shirkan ka soo qeyb gali doonin.

Warar kale oo la xiriira