Warar 

Shirka dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah oo galay maalintiisa labaad

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirka dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah oo looga hadlayo qabyo tirka dastuurka iyo dhisida hey’addaha dowliga ah.

Qoddobada ugu muhiimsan shirkan waxaa kamid ah dib u qaabeynta hey’addaha dowlada,awood qeybsiga maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka iyo afti loo qaadayo dastuurka ku meel gaarka ah.

Ku dhawaad 400 oo ergo ayaa shirkan ka qeybgalaya iyada oo la soo gebagabeyn doono 15-ka bishan.

Dastuurka ku meel gaarka ah waxaa la ansixiyay bishii Agoosto sanadkii 2012-kii.

Warar kale oo la xiriira