Baarlamaanka Warar 

Shirweynaha dib u eegista dastuurka oo la soo xiray

Shirweynaha qaran ee dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah ayaa maanta la soo gebagabeeyay iyada oo ay ergooyinkii shirka ka qeybgalay isku raacen in ugu dambeyn sanadka dambe la dhameystiro dastuurkan.

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in ay si rasmi ah u billaabatay dib u eegista dastuurka.

Wasaarada dastuurka,guddiga baarlamaanka ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka ayaa door weyn ka qaadanaya qabyo tirka dastuurkan ku meel gaarka ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa u qorsheysay dib u eegista dastuurkan qarash gaaraya 3 milyan oo dollar.

Qoddobada ugu muhiimsan ee laga dooday waxaa kamid ah dhameystirka dastuurka,afti u qaadida dastuurka iyo dib u habeynta hey’addaha dowladda .

Warar kale oo la xiriira