Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Lutfi Shariif oo noqday xoghayaha baarlamaanka Afrika

Xildhibaan Lutfi Shariif Maxamed oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ayaa loo doortay xoghayaha guud ee baarlamaanka Afrika ee loo yaqaano Pan Africa parliament.

Guddiga kheyraadka ee baarlamaanka Afrika ayaa kulan ay shalay yeeshen waxa ay ku doorten guddoon cusub.

Guddoomiye iyo Ku xigeen waxaa loo doortay Kone Dognon iyo  Mai Maxamuud oo kasoo kala jeeda dalalka Masar iyo Vote D’Ivoire.

Xildhibaan Lutfi Shariif ayaa isagana loo doortay xoghayaha guud ee baarlamaanka Afrika,sida uu xaqiijiyay golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dhammaan xubnahan la doortay waxa ay kamid noqonayan guddiga joogtada ee baarlamanka Afrika.

Warar kale oo la xiriira