Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay sharciga duulista hawada

Golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga duulista hawada,sida lagu shaaciyay shirka toddobaadlaha ah ee uu golaha yeesho.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoominayay kulankii maanta ee sharcigan lagu meel mariyay.

Ku simaha wasiirka warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo shirka kadib warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga duulista iyo hawada waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka.”

Wasiiro ka tirsan golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa warbixino laga dhageystay intii uu shirka socday.

Warar kale oo la xiriira