Warar 

Wasaarada maaliyadda oo Xarumo garsoor maanta ka hirgelisay Kismaayo

Wasaarada maaliyadda Xukuumadda soomaaliya ayaa maanta kaa hirgelisay magaalada Kismaayo xarumo loogu talo galay xarumaha garsoorka,sida ay tabisay idaacada Dalsan.

Xarumahan waxaa kamid ah maxkamadaha maamulka Jubbaland iyo xafiiska xeer ilaalinta.

Mashruuca SFF ee horumarinta gobolada oo hoos yimaada wasaarada maaliyadda ayaa hirgeliyay xarumahan.

Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyadda prof. Cabdullaahi sheekh Cali ( Qaloocow) ayaa xariga ka jaray xarumahan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dedaal weyn ugu jirta dib u soo celinta adeegyadii hey’addaha garsoorka.

Warar kale oo la xiriira