Warar 

27 kun oo arday oo maanta u farriisaneysa imtixaanka qaranka

Wasiirka waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,mudane Cabdi Daahir Cusmaan ayaa sheegay in 27,600 oo arday ah ay maanta u farriisan doonan imtixaanka shahaadiga qaranka.

Imtixaanadka shahaadiga ayaa ka dhici doona in ka badan boqol xarumood oo ku yaalla caasimada Muqdisho iyo maamul goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug,Koonfur  Galbeed iyo Jubbaland.

Ku dhawaad 1,400 oo ardayda reer Beledweyne ah ayaa sanadkan imtixaanka ka qeyb gali doonin sababo la xiriira fatahaadaha gobolka Hiiraan saameyay.

Waa sanadkii afaraad ee ay dowladda federaalka qaadeyso imtixaanaadka shahaadiga tan iyo sanadkii 2015-kii.

Warar kale oo la xiriira