Warar 

Soomaaliya oo ku biirtay suuqa bariga iyo koonfurta Afrika ee COMESA

Xubnaha suuqa guud ee bariga iyo koonfurta Afrika ee COMESA ayaa u codeeyay in Soomaaliya kamid noqoto xubnaha COMESA sida lagu sheegay war laga soo saaray xogheynta ururkaasi.

Waxa uu go’aankan yimid kadib kulan xubnaha ururka ay ku yeesheen magaalada Lusaka ee dalka Zambia halkaasi oo lagu saxiixay heshiiska Soomaaliya ay kaga mid noqonayso suuqan.

Waxay tani ka dhigan tahay in urur goboleedku aqbalay codsigii Soomaaliya ee ahaa inay xubin ka noqoto suuqa COMESA ee dalalka bariga iyo koonfurta Afrika kadib wadahadalo horaantii toddobaadkan ka billowday magaalada Lusaka.

Xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee ururka waxay ka dhigaysaa tirada xubnaha ururka ku jira illaa 20 xubin.

Urur goboleedka COMESA oo ah kan ugu weyn xagga ganacsiga qaaradda Afrika ayaa la aasaasay sanadkii 1994.

Warar kale oo la xiriira