Baarlamaanka Warar 

Afhayeenka golaha shacabka oo magacaabay madaxa xiriirka warbaahinta

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa madaxa warbaahinta ee xafiiskiisa u magacaabay Haashim Adam Maxamuud.

Warqad maanta ka soo baxday xafiiska guddoomiye Mursal ayaa lagu shaaciyay magacaabista madaxa xiriirka warbaahinta ee xafiiska guddoonka golaha shacabka.

Haashim Adam waxa uu waxbarashadiisa aas aasiga ku soo qaatay magaalada Baydhabo, dugsiga sare waxa uu kaga baxay iskuulka Al Qalam sanad dugsiyeedka 2009/10.

Jaamacada Simad ee magaalada Muqdisho ayuu ku diyaariyay kuliyadda Maamulka iyo Maareynta isaga oo ka baxay sanadkii 2016-kii.

Tan iyo sanadkii 2010-kii ayuu Haashim ka soo shaqeynayay warbaahinta madaxa banaan waxa uuna ka howlgali jiray idaacada Dalsan iyo telefishinka Somali Cable.

Warar kale oo la xiriira