Warar 

Wasaarada Maaliyadda oo uruurineysa dakhliga soo gala wasaaradaha

Wasaarada Maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka maaliyadda  ee wasaaradaha iyo hey’ddaha dawladda ee dakhliga uruuriya.

Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyadda Soomaaliya prof. Cabdullahi Sheekh Cali (Qalloocoow) ayaa maanta la kulmay masuuliyiin ka tirsan wasaarada waxbarashada ka hor inta aan lagu wareejin maamulka dhinaca maaliyada.

Dakhliga ay helaan wasaaradaha xukuumadda ayaa si toos ah ugu dhici doona Baanka dhexe ee Dawladda.

Arrinkan ayaa daba socda go’aan ka soo baxay Shirkii ay wada qaateen ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wasaaradaha iyo hey’addaha dowladda ee dakhliga uruuriya, go’aankasi ayaa ahaa in dhamaan  Dakhliga soo gela hey’addaha dowladda ay maamusho wasaarada Maaliyadda.

Warar kale oo la xiriira