Warar 

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shir looga hadlayo dhaqaalaha dalalka Afrika

Wasiirka maaliyada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducayle Bayle ayaa kaga qeyb galaya magaalada Busan ee dalka Koonfurta kuuriya shir sanadla ah oo looga hadlo arrimaha dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

Shirkan oo ay ku kulmayan dowladaha Afrika iyo dowladda Koonfurta Kuuriya waxaa martigeliya Baanka horumarinta Afrika.

‘’ Waxaan immid magaalada Busan ee dalkan Koonfurta Kuuriya si aan uga qeyb galo shirka sanadlaha ah ee Baanka horumarinta Afrika. ‘’ Baankan waxa uu muhiimad weyn u leeyahay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya,’’ ayuu yiri wasiir Bayle.

Wasiir Bayle ayaa halkasi kula kulmay madax badan oo uu kamid yahay madaxweynaha Baanka Horumarinta Afrika, Akinwumi A. Adesina.

Wasaarada maaliyadda Soomaaliya ayaa sanadkan horumar ballaaran ka sameysay dakhliga xukuumadda kaga soo xerooda gudaha wadanka.

Warar kale oo la xiriira