Warar 

Ra’iisul wasaare Khayre oo soo dhameystiray xubno ka maqnaa golahiisa wasiirada

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xassan Cali Khayre ayaa xalay magacaabay wasiiro, wasiir dowlayaal iyo wasiir ku xigeeno ka banaanaa golaha wasiirada Soomaaliya.

xilalkaan lasoo buuxiyay ayaa iskugu jira lix wasiir, labo wasiir dowle iyo shan wasiir ku xigeen.

Wasiirada la magacaabay

1- Xasan Macalin Xuseen, Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta

2- Xasan Cali Maxamed, Wasiirka Gaashanadhigga

3- Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta

4- C/casiis Xasan Maxamed, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

5- Xamza Saciid Xamsa, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

6- C/fataax Maxamed Ibraahim (Geesey) Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta

Wasiiru dowlayaasha

1- Daahir Cabdi C/llaahi, Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha

2- Maxamuud Maxamed, Buunow Wasiiru dowlaha Amniga

Wasiir ku xigeenada

1- Isxaaq Maxamed Maxamuud, Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha

2- Aadam Isaaq Cali, wasiir ku xigeenka Warfaafinta

3- C/raxmaan Iidaan Yoonis, Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta

4- Maxamed Saciid C/llaahi, Wasiir kuxigeenka Caafimaadka

5- C/rashiid Maxamuud Xasan, Wasiir kuxigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

 

Warar kale oo la xiriira