Baarlamaanka Warar 

Afhayeenka Golaha Shacabka oo ka qeyb galay dhaarinta Garyaqaan Baashe Yuusuf

Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan,guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay xaflada dhaarinta ee guddoomiyaha maxkamadda Sare garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed .

Munaasabada lagu dhaariyay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada ee caasimada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga dastuurka ee golaha shacabka xildhibaan Abuukate Shariif sheekh Maye ayaa dhaariyay guddoomiye Baashe.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhawaan guddoomiye Baashe u magacaabay guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee dalka.

Warar kale oo la xiriira