Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan hore oo ka hadlay mas’uuliyadda saaran xildhibaannada qaranka

Cali Nuur Xuseen (Boodaye) oo hore uga tirsanaa xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si xoogan uga hadlay masuuliyada xildhibaannada ka saraan marxalada uu dalka ku jiro.

‘’ Xildhibaannada Qarankoow ogaada mas’uuliyad wadareed baa idinka saran dalka,’’ ayuu yiri Cali Nuur Boodaye oo qoraal kooban soo dhiggay bartiisa Twitter.

Xildhibaankan hore ayaa dhinaca kale ka hadlay qaabka ay xildhibaannada qaranka kaga falceliyan khaladaadka jira ee ay arkaan, ‘’ Haddaad khalad aragtaan haku ekaanina baraha bulshada in aad ka qeylisan ee isku daya in aad saxdaan sida uu sharciga idin baneeyay.’’

Cali Nuur Boodaye ayaa intaasi ku daray in kaliya sharci ay allifen 10 xildhibaan lagu sixi karo khalad Qaranka laga galay.

Warar kale oo la xiriira