Dowladda Hoose Warar 

Wajiga Labaad ee mashruuca nadaafada casriga ah oo laga daah furay Muqdisho

Wajiga Labaad ee mashruuca casriga ah oo laga daah furay Muqdisho

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Yariisow) ayaa maanta si rasmi ah u daah furay wajiga labaad ee mashruuca casriga ah ee nadaafada gobolka Banaadir,sida lagu sheegay war saxafadeed ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha.

Mashruucan waxaa si wada jir ah isaga kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadda nadaafada ee ECCO.

“Waa mashruuc casri ah sida aad u jeedaan qalabka la soo bandhigay oo nadaafada caasimada kaalin mug leh ka qaadan doona, soona celin doona bilicda Caasimadda. Horumarrada kala duwan ee aan ku tallaabsanayno maalin walba waxey keentay in magaalada la maalgashado, nadaafadduna waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno” Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yariisow.

ECCO oo ah shirkad dhinaca nadaafada ah waxa ay Muqdisho ka shaqeyneysay labadii sanno ee la soo dhaafay.

War saxafaadedka ma uusan qeexin qarashka ku baxaya mashruucan iyo muddada uu qaadan doono.

Wax badan ayaa iska beddelay bilicda iyo nadaafada caasimada inkastoo ay weli jiraan goobo ay ka muuqato nadaafad darro xoogan.

Warar kale oo la xiriira