Warar 

Midowga Yurub iyo Baanka adduunka oo Soomaaliya ugu deeqaya $240M

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducayle Bayle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimada Muqdisho waxa uu sheegay in guul weyn laga gaaray mideynta canshuuraha iyo maamulka maaliyadda.

Guulahan ayuu wasiirka sheegay in ay sababen in Baanka Adduunka u ballan qaado Soomaaliya sanadkan oo kaliya 140 milyan oo dollar halka Midowga Yurub ugu yaboohay 100 milyan oo dollar.

Wasaarada maaliyadda ayaa imminka hubineysa qaabkii ay ku yimaaden deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Wasiir Bayle waxa uu si qoto dheer uga hadlay msuhaar bixinta shaqaalaha dowladda iyo nidaamka Soomaaliya looga cafinayo deymaha badan.

“Shuruudaha ugu adag ee ugu waaweynaa waxa weeyaan inaan kordhino dakhliga wadankeena Gudihiisa kasoo xarooda, ”ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasaarada maaliyadda Soomaaliya ayaa 42 milyan oo dollar ku soo xareysay seddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan.

Warar kale oo la xiriira