Baarlamaanka Warar 

Kalfadhigga 7 aad ee baarlamaanka Galmudug oo maanta la furay

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u daah furay kalfadhigga 7 aad ee baarlamaanka maamulkasi.

Baarlamaanka Galmudug ayaa fasax ka soo laabtay xilli lagu jiro dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir,ayaa ugu baaqay shacabka reer Galmudug in ay sharciga ilaashadan.

Hinside sharciyeedyo badan oo u baahan in laga dooddo lana meel mariyo ayaa weli horyaalla baarlamaanka maamulka Galmudug.

Khilaaf xoogan oo ka dhashay dastuurka Galmudug ayaa beryahan ka dhex taagnaa madaxda maamulkasi.

Warar kale oo la xiriira