Heshiis ku saabsan dib u dhiska ciidanka booliska Soomaaliya ee heer federaal iyo mid dowlad goboleed ayaa maanta waxaa Muqdisho kuwada saxiixday wasaaradda amniga iyo QM.
Heshiiskaan ayaa ah mid ku kacaya $40M oo doolarka Mareykanka.
Heshiiskaan waxaa si wadajir ah u saxiixay wasiirka amniga qaranka Maxamed Abuukar Islow iyo Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Lacagtaan waxaa bixinaya daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya ee xubnaha wadamada Midowga Yurub , Ingiriiska iyo Dowlada Jarmalka oo ka mid ah Dalalka Midowga Yurub laakiin si gaara u taageerta Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Munaasabada Heshiiska lagu saxiixayay waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Masuuliyiin ka kala socday Dowlad Federaalka, Wasiirada Amniga Dowlad Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka.