Warar 

Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kala saxiixday

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta heshiis ku saabsan maalgelinta 4 dekad iyo waddooyin waaweyn waxa ay ku kala saxiixden caasimada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta ku qaabilay Abiy Axmed iyo wafdi la socday xarunta madaxtooyada.

War saxaafadeed ay si wada jir u soo saaren labada hoggaamiye ayaa lagu balan qaaday wada shaqeyn la xiriirta dhinacyada dhaqaalaha,adeegyada dala ku galka(VISA-ha) iyo dhismaha waddooyin isku Soomaaliya iyo Itoobiya.

War saxaafadeedka ma uusan sheegin dekadaha lagu sameyn doono maalgelinta iyo qarashka ku bixi doona.

Warar kale oo la xiriira