Aragti 

Maxaa ka dhalan kara Heshiiskii Dowladaha Soomaaliya & Ethiopia?

Heshiiska Dr. Aby iyo Farmajo isla gaareen gumaysi Ethiopia miyaa mese waa wax wada qabsi wanaagsan?

Waddamada EU markii ay isku furfurmayeen oo ay lacagta EURO samaysteen, waddamada soo gelaya waxaa lugu xiri jiray lagana eegi jiray meesha ay ka joogaan xagga siyaasadda furfurnaanteeda, culture ka ama dhaqanka iyo caqiidada inay la wadaagaan waddamada ay isku furfurmayaan, iyo in suuqooda dhaqaaluhu yahay mid madax bannaan oo xor ah.

Aynu eegnee Ethiopia siyaasad furfuran oo ay dadka la doorto u madax bannaan yihiin maka jirtaa?

Jawaabtu waa maya. Xuquuqul insaan qiimo kama laha Ethiopia cid xukuntana lama yaqaan waayo RW hu waa markhaati ee junta ciidan ah oo Gabre noociisa ah oo jabhad ah ayaa ku hoos qarsoon. Qofkii ay doonaan ayey afduubaan oo qariyaan sidii Bashir Makhtal oo ay keys been abuur ah u sameeyaan. Dadkii godad ka ayey uga buuxaan oo raamo ku yeesheen. Ma aha dowlad leh system siyaasadeed oo la isku aamini karo oo uu nin siyaasadaha u abtirin karaa shacabkiisa ku aamini karo.

Dr. Aby wuxuu ku hadlay in wixii hore laga tegayo. Waxay ahayd in lugu yiraahdo: markaad ka tagtaan dhaqan siyaasadeedkii hore, oo aad joojisaan dhul ballaarsigii hore iyo damacii geyiga Somaliyeed, oo aad dhulka Somalida ka guurtaan oo aad damaca badaha Somalia iska daysaan oo aad madaxda gobollada Somalia heshiisyada qarsoodiga ah oo shacabka laga qarinayo ooaad ka saxiixanaysaan ka toobad keentaan oo aad ciidamadiina gudaha Somalia kala baxdaan, oo aad shacabkiina doorasho xalaal ah u qabataan, oo aad dadkiinna sintaan Muslum iyo Masiixi, markaas idinka Ethiopia ahi siyaasad ahaan diyaar baa thiin.

Culture iyo diin ahaan:

Somalia iyo Ethiopia ma wadaagaan dhaqan iyo diin midkoodna. Ethiopia dad shacab ah oo Muslimiin ahi waa ku noolyihiin lkn waa dad diintooda ku dhib qaba oo la liido. Waddanku awood christian ah ayuu gacanta ugu jiraa oo taladiisu ka go’daa tusaalena waxaa u ah Dr. Aby Axmed oo ah nin christian ah inuu RW ka yahay uuna u gaaloobay inuu nolol helo.

Dalka Turkiga oo ah dal si xor ah wax loo doorto dhaqaalihiisuna yahay kan ugu koritaanka badan reer Europe waxaa EU loogu diiday inaan majooritiga dadkiisu la diin ahayn shucuubta reer Europe. Kolkaa waddammada la isku furfurayo inay isku dhaqan iyo diin yihiin waa muhiim haddii kale dagaal dhaqan iyo mid diineed oo aan horay u jirin baa albaabkoodu furmayaa waxayna keenayaan xaalad amni darro.

Dhaqaalaha Ethiopia waa mid aan xor ahayn waayo Ethiopia ma aha dal sida Somalia u furfuran dowlad ahaan iyo dad ahaan. Boqol sano oo soo socota iskuma beddeli karo waayo woxooda oo dhan baa canaad iyo luggooyo bani aadam ku dhisan oo dadkooda iyo dad kale midna inuu faa’iido dhaqaalohoodu una shaqeeyo.

Ethiopia sidaas ayeysan ugu diyaarsanayn inay cid wax ku darsato ama wax lugu darsado. Waa go’doonsantahay siyaasad ahaan, dhaqan ahaan, iyo dhaqaale ahaan intaba.

Somalia ayadu diyaar ma u tahay in wax lugu darsado ayaduse xoog iyo midnimo ay cid wax ugu darsan karto ma leedahay?

Jawaabtu waa maya. Caloosheedii ayaa bannaanka taal. Dastuurkeedii ayaa qabyo ah. Gobolladeedii ayaan dowladdii dhexe wali charter ay kula shaqayso la gelin oo aan xiriir afka dhaafsiisnayn ka dhaxayn. Baddeedii lama ilaaliyo. Xudduudeheeda ciddii doontaa hub lasoo gasha. Dadka dalka u dhashay ma diiwaan gashana. Dowladdu mandate fiican ma haysato waayo shacabku ma dooran. Khayraadkii dalka waa la guranayaa idan la’aan bad iyo birriba hadduu yahay macdan, malaay, iyo dhir/dhuxul, dowladduna awood ay ku badbaadiso ma leh.

Aan is weydiinnee xaggee bay joogtaa dowladda Somaaliyeed oo Ethiopia heshiiska la geleysa????

Xaggee bay joogtaa Ethiopia da niyadda wanaagsan oo aan u guurayno????

Ma tan ciidankii badda oo ay nugu qabsan lahayd sii diyaarsatay baa???

Farmajo inuusan waxba adduunka kala socon ee uu meesha kusoo khaldanay waa noo caddaatay walaalayaal.

Ma caayeyno xaashaa Lilaalahi mana canaananayno waayo aqoontiisii baa intaas noqotay.
1. Ilaahay baan shartiisa ka magan geleynaa awalan waayo Ilaahay baa amuuruhu gacantiisa ku jiraan.
2. Shacabkii ku hungoobay waxaa waajib ku ah inay kalsoonidoodii kala noqdaan oo ay awooddooda muujiyaan.
3. Xildhubaanadii u codeeyey waxaa laga rabaa inay awalan Ilaahay daraadiis uga beri noqdaan ninkaas wuxuu ku kacay isla markaana inay ka keenaan motion marka uu fadhigoodu furmo inta ka horraysana isa sii diyaariyaan.

Waxaa aragtidaan qoray Cabdiraxmaan Gablax oo kal hore u tartamay xilka madaxweynenimo ee maamulka Puntland.

Warar kale oo la xiriira