Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya shirka IGAD

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta u safray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkasi oo uu kaga qeybgali doono shirka urur goboleedka IGAD,sida ay tabisay wakaalada wararka SONNA.

Shirkan oo socon doona muddo hal cisho ah waxaa looga arrinsanaya xiisada ka taagan dalka Koonfurta Suudaan.

Mudane Farmaajo iyo iyo diblomaasiyiinta safarkan ku wehliya ayaa madaxda ururka hor dhigi doona aragtida dowladda Soomaaliya ee ku aadan nabad-gelyada gobolka geeska Afrika.

Safarka madaxweynaha waxa uu yimid dhorw cisho kadib markii uu magaalada Muqdisho booqasho ku yimid raysul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Warar kale oo la xiriira