Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Gaas oo maanta hortagaya baarlamaanka maamulka Puntland

Madaxweyne Cabdiweli Maxamedi Cali (Gaas) ayaa maanta la filaya in uu hortago baarlamaanka maamulka Puntland halkasi oo uu ka jeedin doono qudbad uu diirada ku saari doono arrimaha doorashooyinka iyo amniga deegaanada Puntland.

Doorashooyinka sanadkan ka dhacaya Puntland iyo xaalada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayuu aad uga hadli doonaa madaxweyne Gaas,sida ay tabisay idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho.

Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya qaban qaabada doorashada madaxtinimada oo ay sanadkan u taagan yihiin musharrixiin badan.

Madaxweynaha Puntland mudane Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa kamid ah siyaasiyiinta u tartami doona xilka madaxtinimo ee maamulkasi.

Warar kale oo la xiriira