Warar 

Ardayda gobolka Hiiraan oo maanta u farriistay imtixaanka shahaadiga

Ku dhawaad 1,400 oo arday ayaa maanta magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan u farriistay imtixaanka shaahaadiga ee dugsiyada sare oo ay soo diyaaarisey wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

Wasaaradda waxbrashada ayaa dib ugu dhigtey imtixaankan kadib fatahaaddii webiga Shabeele.

Wasiirka wasaaradda waxbarshada ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Aw Daahir ayaa shalay gaaray magaalada Beled Weyne si uu u kormeero habsami u socodka imtixaanaadka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow oo la Hadley warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegey in maamulkooda ay diyaar u yihiin  iney ka caawiyaan  wasaaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka iyo tan dowlad goboleedka Hirshabeelle qaadista imtixaanaadka.

Wasaaradda waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qaadeysay imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare saddexdii sanno ee la soo dhaafey .

Sanadkan oo kaliya 27 kun oo arday ayaa u farriistay imtixaanka shahaadiga magaalada Muqdisho iyo dowlad goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo maamulka Hirshabeelle.

Warar kale oo la xiriira