Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta fadhigoodii caadiga ahaa ku yeeshey magaalada Cadaado iyaga oo isku raacey in xarunta baarlamaanka Galmudug si rasmi ah u noqoto magaalada Cadaado oo hadda xarun kumeel gaar ah u aheyd baarlamaanka iyo maamulkaba.
Kulankan ayaa waxa soo xaadirey 46 xildhibaaan iyadoona cod aqlabiyad leh ay xildhibaannadu ku ansaxiyeen in ay Caadaado noqoto xarunta baarlamaanka Galmudug.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf )ayaa horey u soo saaarey wareegto ku saabsaneyd xarunta baarlaaamanka Galmudug balse maanta ayuu si rasmi ah baarlaamkuna isugu raacay.
Dhinaca kale, Xildhibaaannada Galmudug waxa ay baaq u soo jeediyeen dowladda federaalka ee Soomaaliya,baaqasi ayaa la xiriira khilaafka u dhexeeya madaxda maamulka iyo sidii dowladda dhexe ay u dhex geli laheyd khilaafka madaxda maamulka oo muddooyinkii la soo dhaafey soo jiitamayey.