Warar 

Farmaajo oo soo dhaweeyay meel marinta sharciga naafada

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa soo dhaweeyay meel marinta sharciga naafada oo toddobaadkii hore ansixiyen golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

‘’ Waxaan ku bogaadinaya golaha wasiirada in ay meel mariyen hinside sharciyeedka shaqsiyaadka naafada ah. ‘’ Dadkeenna waxa ay innoogu fadhiyan qiimo isku mid ah,’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter.

Hindise sharciyeedkan ayay xukuumadda Soomaaliya hor geyn doontaa baarlamaanka si ay xildhibaannada iyo senatarada uga dooddan una meel mariyen.

Sharcigan ayaa ku biiri doona sharciyo badan oo weli horyaalla baarlamaanka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira