Warar 

Wajiga 2aad ee shirka dib u eegista Dastuurka oo maanta la daah furay

  • Muqdisho maanta waxaa ka furmay wajiga 2aad ee shirka dib u eegista Dastuurka KMG Soomaaliya waxaana shirkaan qabtay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka.

Gudoomiyaha gudigaan Prof Maxamed Daahir Afrax ayaa madasha shirka ka sheegay muhiimada in KMG-nimada laga saaro Dastuurka.

Gudoomiyaha ayaa xusay in loo baahan yahay in gudiyada Barlamaanka Soomaaliya ugu magacaaban ay si wanaagsan uga wada shaqeeyan arrimaha dib u eegista Dastuurka.

Furitaanka wajiga labaad ee shirka Dib u eegista Dastuurka ee guddiga madaxa banaan ayaa imaanaya waqti dadaal dheer lagu bixinayo in sanadkaan lasoo gabagabeeyo howlaha dib u eegista Dastuurka.

Warar kale oo la xiriira